21/10/2026
Booliska degmada Qardho gaar ahaan CID ayaa Shaqaale ka Xiray, Xarun Ganacsi iyadoo lagu daba joogo CCTV Camera duubtay Fal-Weearar ahaa.
Booliska Qardho gaar ahaan CID, ayaa xidhay Qof shaqaale Shirkadeed ah, oo lagu magacaabo Jaamac Cabdiwahaab oo ka howlgalayay Gufure Spare Parts - Qardho.
Booliska oo markii h**e ka xaystay 3 Qof ayaa dib ka sii daayay 2 Qof, iyagoo xirtay mid kamid ah shaqaalaha shirkadaas Ganacsi oo Qardho ku taal.
Todbaadkii h**e, weerar lagu dilay Qof Shacab ah, laguna Dhaawxay 2 kale oo intuba isku Qoys ah, ayay duubtay Camerada CCTV. Falkaas weerarka ah oo ay geysteen Ciidamo dhowaan Qardho la keenay, weerarkaas oo ay ka dhalatay caro Dadweyne oo isku bedeshay Rabshado, waxaana ka dhashay Khasaare hor leh oo ay Ciidamada la keenay Qardho ay u geysteen Shacab careysan, waxanaa ka dhashay Geerida Haweeney reer Qardho ah iyo Dhaawaca aan la xaqiijin tiradooda.
Dowlada Puntland, oo dareensan in weerarka lagu qaaday 3-da Qof ee reer guuraaga ah, ay ku noqotay Fadeexo, ayaa la sheegayaa inay Handadad iyo Xadhig u geysanayaan Ganacsi kasta oo sii daaya Muuqaalada CCTV ee duubta Dambiyada iyo ilaalinta Hantida.
Qardho Media