Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo

Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo, Shilabo, Jijiga.

Degmada shilaaboWaxaa manta qabanay shaacinta sanad miisaniyadeedka 2019 ee degmada shilaabo oo dhan 330,775,628(sadex b...
20/09/2026

Degmada shilaabo

Waxaa manta qabanay shaacinta sanad miisaniyadeedka 2019 ee degmada shilaabo oo dhan 330,775,628(sadex boqol iyo sodon milyan todobo boqol todobatan iyo shan kun lix boqol labatan iyo sideed birr)
Miisaniyadas oo 72% mushahar ah
22% mashariicda horumarined
6% hawlfulin
Sido kale miisaniyadan ayaa 102,605,790 (boqol iyo labo milyan lix boqol iyo shan kun todobo boqol iyo sagaashan birr ) kamid ah laga so saari doona dakhliga gudaha ee degmadaha shilaabo

Maanta waxaan gaaray Degmada Caleen, halkaas oo aan si rasmi ah ugu wareejiyay shaqadii iyo masuuliyaddii degmada Maamul...
19/09/2026

Maanta waxaan gaaray Degmada Caleen, halkaas oo aan si rasmi ah ugu wareejiyay shaqadii iyo masuuliyaddii degmada Maamulka Cusub ee Ku-meel-gaarka ah, kaas oo hoggaamin doona maamulka iyo adeegyada bulshada ee degmada.
Munaasabadda soo dhaweynta waxaa ka qayb galay Madaxa Arrimaha Siyaasadda Gobolka Qoraxey, Mudane Farxaan Ikhyaar, iyo Guddoomiyaha Degmada Shilaabo, Mudane Faarax Xaaji Maawel.
Maamulka cusub waxaa si diirran u soo dhaweeyay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo shacabka Degmada Caleen, kuwaas oo muujiyay taageero, kalsooni iyo soo dhaweyn wanaagsan.
Waxaan u rajaynaynaa Maamulka Cusub guul iyo xilkasnimo, iyagoo si hufan uga soo bixi doona masuuliyadda loo igmaday, kana shaqayn doona horumarka degmada, tayeynta adeegyada bulshada, nabadgelyada iyo wada-shaqayn miro-dhal ah.
Ilaahay ha u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, hana u horseedo Degmada Caleen horumar iyo barwaaqo.

Hoolka Shirarka Ee MM Shilaabo waxaa Maanta Ka Qabsoomay Shir Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhammaanba Bulshada Magaalada shilaab...
19/09/2026

Hoolka Shirarka Ee MM Shilaabo waxaa Maanta Ka Qabsoomay Shir Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhammaanba Bulshada Magaalada shilaabo Kaasoo Ajandihiisu ahaa:-
1- Wacyigalinta Bulshada
2- Fahamka Guud Ee Nidaamka Qaabdhismeedka Cusub Ee MM Shilaabo
3- Bixinta Waajibaadka Dakhliga
Waxaa Shirka Ka Soo Qaybgalay Masuuliyiin Ay Kamid Yihiin Maayarka Magaalada Shilaabo Madaxa Arimaha Siyaasada Gobolka Qoraxey Iyo Gudoomiyaha Dagmada Shilaabo

Gabagabadiina Waxaa Maamulka Iyo Bulshadu Isla Qaatay In Laga Wada shaqeeyo Horumarinta Magaalada shilaabo

Shilaabo – Maskaram 8/2018Wareejinta Waajibaadka Maamulka Magaalada ShilaaboGuddoomiyaha Degmada Shilaabo, Mudane Faarax...
18/09/2026

Shilaabo – Maskaram 8/2018

Wareejinta Waajibaadka Maamulka Magaalada Shilaabo

Guddoomiyaha Degmada Shilaabo, Mudane Faarax Maawel Maxamuud, iyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda Gobolka Qoraxey, Mudane Farxaan Ikhyaar, ayaa maanta Duqa cusub ee Magaalada Shilaabo, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, ku wareejiyey waajibaadka iyo masuuliyadda Maamulka Magaalada Shilaabo.

Kulankan ayaa maanta ka qabsoomay Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo, waxaana ka soo qayb galay dhammaan hoggaaminta Maamulka Degmada iyo Maamulka Magaalada Shilaabo.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in hoggaaminta cusub ee loo magacaabay MM. Shilaabo lagu wareejiyo goobaha adeeg-bixinta iyo masuuliyadaha ay Degmadu h**e u sii haysay.

Gabagabadii, kulanku wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in si wadajir ah looga shaqeeyo danta guud, lana iska kaashado hawlaha horumarineed iyo adeegyada bulshada loo hayo.

📚 Taakulaynta Ardayda Danyarta ahDawladda Deegaanka SoomaalidaXafiiska Arrimaha Haweenka Degmada ShilaaboXafiiska Arrima...
16/09/2026

📚 Taakulaynta Ardayda Danyarta ah

Dawladda Deegaanka Soomaalida
Xafiiska Arrimaha Haweenka Degmada Shilaabo

Xafiiska Arrimaha Haweenka Degmada Shilaabo ayaa ardayda danyarta ah gudoonsiiyay agab waxbarasho oo ay ka mid yihiin buugaag, qalimaan iyo direys (uniform), si loo taageero waxbarashadooda sannadka dugsiyadeedka 2019 T.I.

Agabkan waxaa si rasmi ah u gudoonsiiyay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda Gobolka Qoraxey, Mudane Farxaan Ikhyaar Gaaxnug, iyo Guddoomiyaha Degmada Shilaabo, Mudane Faarax Xaaji Maawel. 📚✏️

Kormeerka Maamulka Degmada Shilaabo ee Senterka LababaarMaamulka Degmada Shilaabo ayaa booqasho kormeer ah ku tagay Sent...
12/09/2026

Kormeerka Maamulka Degmada Shilaabo ee Senterka Lababaar

Maamulka Degmada Shilaabo ayaa booqasho kormeer ah ku tagay Senterka Lababaar, iyadoo ujeeddadu ahayd in si dhow loo ogaado xaaladda bulshada, waxyaabaha ay qabteen iyo baahiyaha jira, iyo sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Intii uu kormeerku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta nabadgelyada, wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha amniga, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo lagu dardar-gelin karo horumarka iyo adeegyada bulshada.

Maamulka Degmada Shilaabo wuxuu bogaadiyey doorka muhiimka ah ee odayaasha iyo bulshada Senterka Lababaar ay ka qaataan ilaalinta nabadgelyada, xallinta khilaafaadka iyo horumarinta deegaanka.

Arrin si gaar ah loo bogaadiyeyna waxay ahayd dhismaha hoolka shirarka ee ay bulshada Senterka Lababaar si wadajir ah u dhisteen, taas oo muujinaysa isku-duubnida, iskaashiga iyo kartida bulshada ee ay ku horumarinayaan deegaankooda.

Maamulka Degmada Shilaabo wuxuu bulshada ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan wadajirka, nabadgelyada iyo iskaashiga, si loo gaaro horumar waara iyo adeegyo bulsho oo tayo leh.

📢 Mashruuca LLRP II – Degmada ShilaaboWaxaa saaka ka qabsoomay Degmada Shilaabo kulan ku saabsan Mashruuca LLRP II, kaas...
09/09/2026

📢 Mashruuca LLRP II – Degmada Shilaabo

Waxaa saaka ka qabsoomay Degmada Shilaabo kulan ku saabsan Mashruuca LLRP II, kaas oo ay ka qeyb galeen Gadhwadeenada Mashruuca xasan mahamed LLRP ee Degmada Shilaabo.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd qorsheynta iyo diyaarinta hawlaha uu Mashruuca LLRP II ka fulin doono Degmada Shilaabo sannadka cusub ee 2019, iyo qorshayaasha iyo waxqabadka mashruuca ee la xiriira bulshada degmada

Maamulka Degmada Shilaabo, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Faarax Xaaji Maawel, iyo Madaxa Xisbiga, Muda...
08/09/2026

Maamulka Degmada Shilaabo, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Faarax Xaaji Maawel, iyo Madaxa Xisbiga, Mudane Cabdi Rashiid Reygal, ayaa booqday Santarka Ariquruuf, oo kamid ah xarumihii la ansixiyay sanadkii h**e.

Maamulka ayaa u tagay dhismaha maamulka Santarka, waxayna la kulmeen bulshada ku dhaqan deegaanka, iyagoo kala hadlay arrimaha horumarinta iyo adeegyada bulshada.

Intii ay booqashadu socotay, waxaa dhagax-dhigay dhismaha Dugsi Hoose/Dhexe, kaas oo la qorsheeyay in la dhiso sannadka cusub, Insha Allah.

SHIR KU SAABSAN ABAABULKA WAXBARASHADA – DEGMO SHILAABOMaanta maamulka degmada Shilaabo ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ...
05/09/2026

SHIR KU SAABSAN ABAABULKA WAXBARASHADA – DEGMO SHILAABO

Maanta maamulka degmada Shilaabo ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada degmada, gaar ahaan waalidiinta, odayaasha, culimada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo looga hadlayay abaabulka waxbarashada iyo sidii loo xoojin lahaa ka qaybgalka bulshada ee horumarinta waxbarashada.

Shirka waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Degmada Shilaabo, Mudane Faarax Maaweel Maxamuud, waxaana ku wehelinayay Agaasimayaal ka socday Xafiiska Waxbarashada Heer Deegaan, kuwaas oo u yimid sidii ay bulshada ugu wacyigelin lahaayeen muhiimadda abaabulka waxbarashada.

Kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay faa’iidooyinka waxbarashadu u leedahay bulshada, kor u qaadista tirada ardayda, dhiirrigelinta waalidiinta, iyo in bulshada oo dhan ay door muuqda ka qaadato horumarinta iyo tayeynta waxbarashada.

Gabagabadii, maamulka degmada iyo bulshada Shilaabo waxay isku raaceen in waxbarashadu tahay aasaaska horumarka bulshada, loona baahan yahay in waalidiinta, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhammaan bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan abaabulka iyo kobcinta waxbarashada.

Waxbarasho tayo leh maanta = bulsho horumarsan berri.

SHIR MUHIIM AH OO LAGAGA ARRINSANAYEY HORMARINTA DEGMADA SHILAABOWaxaa kulan muhiim ah oo looga arrinsanayay dardargelin...
04/09/2026

SHIR MUHIIM AH OO LAGAGA ARRINSANAYEY HORMARINTA DEGMADA SHILAABO

Waxaa kulan muhiim ah oo looga arrinsanayay dardargelinta horumarka iyo isku-filnaanshaha bulshada lagu yeeshay Degmada Shilaabo. Shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray afar qodob oo muhiim u ah horumarka degmada: kor u qaadista dakhliga, abaabulka waxbarashada, ka-bixidda ku-tiirsanaanta iyo dardargelinta Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka waxaa nagala soo qaybgalay Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Gobolka Qoraxey, Mudane Bashiir Xuseen Diiriye, oo ka qayb qaatay doodaha, talooyinka iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo qodobada shirka.

1. Kor u qaadista dakhliga:
Waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dakhliga degmada, gaar ahaan kordhinta ilaha dakhliga gudaha, wacyigelinta ganacsatada iyo bulshada, hagaajinta nidaamka ururinta dakhliga iyo hubinta in dakhliga jira si hufan loo diiwaangeliyo loona maareeyo. Sidoo kale waxaa muhiimad la siiyey dabagalka joogtada ah iyo isla-xisaabtanka.

2. Abaabulka waxbarashada:
Waxaa xoogga la saaray sidii loo dardargelin lahaa abaabulka waxbarashada, loona kordhin lahaa tirada carruurta iyo dhallinyarada ku biiraysa waxbarashada. Waxaa sidoo kale laga hadlay wacyigelinta waalidiinta iyo bulshada, dhiirrigelinta ardayda, iyo xoojinta wada-shaqaynta maamulka, xafiiska waxbarashada iyo bulshada.

3. Ka-bixidda ku-tiirsanaanta:
Shirka waxaa lagu falanqeeyey sidii bulshada loogu abuuri lahaa fursado dhaqaale oo u sahla inay isku-filnaansho gaaraan. Waxaa la adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin shaqo-abuurka, kobcinta ganacsiga, wax-soo-saarka, horumarinta xirfadaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka deegaanka, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta gargaarka iyo taageerada joogtada ah.

4. Aqoonsiga Qaranka:
Waxaa sidoo kale laga arrinsaday dardargelinta adeegga Aqoonsiga Qaranka, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey wacyigelinta bulshada, kordhinta dadka isdiiwaangelinaya iyo fududaynta helitaanka adeegga. Waxaa la isku raacay in hoggaanka degmada iyo bulshada ay door muuqda ka qaataan sidii loo gaarsiin lahaa adeegga Aqoonsiga Qaranka dhammaan dadka u baahan.

Gunaanad

Shirkan wuxuu ahaa mid muhiim u ah dardargelinta horumarka Degmada Shilaabo, waxaana lagu adkeeyey in afartan qodob si joogto ah loo dabagalo, lana xoojiyo wada-shaqaynta u dhexeysa maamulka degmada, xafiisyada dowladda iyo bulshada.

Waxaa la isla qaatay in qorshe cad, dabagal joogto ah iyo iskaashi dhab ah ay yihiin furaha lagu gaari karo kor u qaadista dakhliga, horumarinta waxbarashada, isku-filnaanshaha bulshada iyo hirgelinta Aqoonsiga Qaranka.

Address

Shilabo
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share