29/07/2026
Waxaa maanta ka qabsoomay Maamulka Magaalada Tog Wajaale shir wacyigelin ah oo loo qabtay darawallada Bajaajta. Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga, Iskaashatooyinka iyo Hay'adaha Nabadgelyada.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd in darawallada Bajaajta lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta nafta iyo hantida shacabka, adkaynta nabadgelyada, u hoggaansanaanta shuruucda waddooyinka, iyo in aanay qaadin rakaab ama alaab ka badan awoodda gaadiidkooda.
Mas'uuliyiintii shirka ka hadlay ayaa darawallada ku boorriyey inay muujiyaan anshax, masuuliyad iyo adeeg hufan si loo xaqiijiyo badqabka bulshada loona yareeyo shilalka gaadiidka.