18/09/2024
Wararkii ugudanbeeyay dagaalada kasocda woqooyoga itoobiya gaar ahaan deegaanada axmaarada
Inta badan magaalada Gonder ayaa lagu soo waramayaa in ay Fano lawareegtay kadib dagaal culus oo dhacay Sebtember 18, 2024
Maalmo kadib markii ciidamada Fano ay la wareegeen magaalooyin badan oo ku yaala waqooyiga Gonder ee gobolka Axmaarada, waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in magaalada Gonder โ oo ah magaalo labaad ugu weyn deegaanka axmaarada ay qabsatay jabhada Fano
, warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo ila kusugan magaalada Gondar ayaa sheegay in dagaal culus uu dhexmaray ciidamada dowladda federaalka itoobiya iyo kuwa jabhada axmaarada ee Fano. Warar kale oo soo baxaya galabta ayaa u muuqata in ciidamada Fano ay si buuxda gacanta ugu hayaan. Hase yeeshee, magaalada waxay dagaalo.kasocdan dhanka garoonka diyaaradaha Gonder
Si kastaba ha ahaatee, Adeegga Warbaahinta Itoobiya ee EMS ayaa sheegay in Ciidamada Fano ay ku guuleysteen in ay xiraan waddooyinka Gonder, waxaana la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray magaalada Gonder.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in israsaasayn xooggan ay ciidamada dawladda iyo Fano ku dhexmartay xaafadaha Maraki iyo Genfo Kuchi oo ka tirsan magaalada Gonder. Hubka culus ayaa la ridayay xilli habeen ah. Azezo kebele 18, Ayra, Addis Alem, iyo Alem Ber ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay dagaal culus.
Ciidamada Fano ayaa inta badan ka dagaalamayey dhanka koonfureed ee magaalada waxaana askarta dowlada ay ka soo jeedaan dhanka waqooyi sida ay sheegtay EMS.
Waxaa hakad la geliyay isu socodkii iyo ka qaadistii magaalada Gonder.
Waxaa jira eedeymo sheegaya in askarta dowladda ay dad rayid ah ku xasuuqeen magaalada Gonder iyo hotel ku yaala magaalada oo lagu garaacay madaafiic culus.
Shalay ciidamada Fano ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaala Waqooyiga Gonder oo ay ku jirto Debrark.
Todobaadki ina dhaafay waxaa inta badan magaalada Gonder ka dhacay dagaal xoogan.
Maamulka Abiy Axmed ayaa qorsheynayay inuu meesha ka saaro ciidamada Fano bartamaha bisha September. Sida dhacday hal sano ee la soo dhaafay, ciidamada Fano ayaa kusii xoogeysanaya gobolka, waxayna weli ku sii naaloonayaan taageerada shacabka.
Maamulka Abiy Axmed ayaa qorsheynayay inuu meesha ka saaro ciidamada Fano bartamaha bisha September. Sida dhacday hal sano ee la soo dhaafay, ciidamada Fano ayaa kusii xoogeysanaya gobolka, waxayna weli ku sii naaloonayaan taageerada shacabka.
Inta badan magaalooyinka miyiga ah ayaa waxaa ku sugan ciidamo fano ah, waxaana laga saaray dhismayaal dowladeed oo laga saaray qeybaha gobolka Axmaarada oo ay ka taliyaan ciidamada kacdoonka wada.
Ciidamada difaaca Itoobiya ayaan wali ka hadlin dagaalka waxaana la sheegay in ay qabsadeen magaalada Gonder oo ah magaalo istiraatiiji ah
_