10/02/2026
Wax ka ogow Beesha Maxamed Case ?
Beesha Maxamed Case, oo ka tirsan curadka beel-weynta GADABUURSI (Samaroon), waxay degaan dhul aad u ballaaran oo baaxad leh, kaas oo ku kala yaalla saddex dal oo ka tirsan Geeska Afrika.
maanta se waxaynu kahadlayna deegaannada ay ka deganyihin somaliland waana sida tan :
● Lughaya: Degmadan iyo hareeraheeda waxay ka mid yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay beeshu degto gaar ahaan osoli ilaa hulka.
● Saylac: Magaalada taariikhiga ah ee Saylac iyo nawaaxigeeda.
● Baki iyo Boorama.
● Gabilay ilaa wajaale iyo inta udhexeysa sida kalabaydh iyo calixaydh.
● Xeebta: Deegaannada ku teedsan badda cas ee gobolka Awdal lagabilaabo ceelsheekh ilaa bullaxaar.
Imisa jilib ayay ukala baxaan beesha Maxamed Case ?
Beeshu waxay ukala baxdaa 7 jilib oo kala ah :
● (Habarmuse) 4 si gaar ah isugu dhow.
1.Abreyn.
2.Bahabar muuse.
3.Ree maxamed.
4.Aadan muuse.
Iyo
5.Bahabarceli.
6.Bahabarbokor.
7.BahabarAadan.
--------
Adal Archive