Àpdizamed__Zulaybaan

Àpdizamed__Zulaybaan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Àpdizamed__Zulaybaan, Burco.

Permanently closed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ba...
14/12/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.

Ugu horrayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, isagoo madaxweynuhu xusay in isku duubni iyo qori isu dhiib lagu soo gaadhay halkan, kaas oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo dawladdu kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.

Dhinacooda, xubnaha weftigu waxay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta milgaha iyo maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay dalka soo gaadheen, waxaanay ka markhaati kaceen horumarka, iyo Dimuquraaddiyadda ka muuqata dalka, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan. Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay.
Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka iyo Agaasimaha machadka nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Weftigan oo maalintii shalay dalka yimi, waxay kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka, Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalay ahaa weftiga u samaysay munaasibad casho ah, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka.

ALLAA MAHAD LEH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulamo kala duwan kula qaa...
01/12/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulamo kala duwan kula qaatay Safiirrada cusub ee Midawga Yurub, Amb. Tiina Intelmann iyo Dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo safarkoodii u horreeyey ku yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland safiirrada cusub ku soo dhaweeyey dalka Somaliland, sidoo kalena waxa uu xog-warran buuxa ka siiyey horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, iyadoo ay isku duuban yihiin shacbi iyo dawladba, taas oo keentay in qaranka Somaliland noqdo dal ay ka hana qaadeen doorashooyin Dimuquraadiya oo soo jiitay indhaha caalamka,kana jirto nabadgelyo iyo xasillooni buuxda, arrimahaas oo ah kuwo lagu majeerto, tusaalooyin wacanna u ah dunida inteeda kale.
Kulamadan, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya midawga Yurub iyo dalka Sweden, lana dardar geliyo mashaariicda horumarineed, hadday tahay kuwii socday iyo hadday tahay kuwa cusub ee sannadaha soo socda qorshaysan. Sidoo kale waxa kulamadaasi lagaga wada hadlay hawlaha doorashooyinka iyo arrimaha mandaqadda geeska Afrika.

Wufuudda, ayaa dhinacooda waxa ay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka iyo hiigsiga ka socda kana muuqda Somaliland ee ah inay noqdaan kuwo ka gun gaadha himilooyinkooda fog iyo kuwa dhawba, waxa kale oo ay ku hambalyeeyeen xukuumadda arrimaha doorashooyinka Somaliland, iyagoo ballan qaaday inay halkaa ka sii anba qaadi doonaan xidhiidhadii wanaagsanaa ee h**eba u socday ee ka dhexeeyey Somaliland, Midawga yurub iyo Sweden.
Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Dhinaca Wufuuda waxa safiirka Midawga Yurub ku wehelinaayey Ms Maria Groeneveld oo ah maareeyaha Barnaamijyada ee Midawga Yurub iyo Mr Cadnaan Axmed oo ka socday xafiiska Somaliland ee Midawga Yurub.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /11/2021Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin...
10/11/2021

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /11/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Xafiiska Afhayeenka M JSL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay Sannad-Guurada 28-Aad Ee Kasoo Wareegtay Aas...
03/11/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay Sannad-Guurada 28-Aad Ee Kasoo Wareegtay Aas-Aaska Ciidanka Booliska

Hargeysa-03-11-2021-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska ciidanka Booliska oo lagu qabtay xarunta guud ee taliska Booliska, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, madaxweyne-ku-xigeenno h**e, qaar kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, hoggaanka xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, taliyayaasha Booliska ee dalka Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida, qaar kamid ah la-taliyayaasha madaxweynaha qaranka, saraakiil kala duwan oo katirsan xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana munaasibadda si weyn diiradda loogu saaray muhiimadda ay ciidanka Boolisku u leeyihiin qaranka.

Ugu horrayn waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masrixiyad ka hadlaysay kaalinta ay ciidanka Booliku ugu jiraan nolosha bulshada iyo horumarka qaranka, waxana ay fannaaniinta ciidanka Boolisku halkaas ku muujiyeen sida ay ciidanka Boolisku u yihiin kuwa lagu ledo ee masuulka ka ah xasilloonida iyo nabadda dalka.
Taliyaha hawlgelinta Mudane Ibraahim Cabdi Xaaji Nuur oo halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay tirada dambiyadii dalka ka dhacay sannadkan, dedaallada ay Boolisku geliyeen inay gacanta kusoo dhigaan dhammaanba dadkii dambiilayaasha ahaa iyo muhiimadda ay siinayaan inay xasilloonida iyo amniga bulshada ilaaliyaan.

Taliyayaasha ciidamada Booliska ee dalka Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay u rajeeyeen guul iyo horumar, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay wax badan oo xambiyada ah iska kaashadaan ciidanka Booliska Somaliland.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo munaasibadda khudbad ballaadhan ka jeediyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay sida uu taliye ahaan xilka isaga saaray sidii loo dhisi lahaa kalsoonida wada-shaqaynta iyo ciidanka shacabka ka dhaxaysa, islamarkaana si weyn dib ugu habeeyeen ciidanka Booliska, kuna soo dareen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo la tallaabsata Tignoolajiyadda casriga ah, kuwaas oo khubaro ku ah hababka casriga ah ee dambiyada kala duwan maanta loo fuliyo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta la xusay sannad-guuradii 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskooda, waxana uu caddeeyey inay xukuumaddu u hagarbaxday ciidanka Booliska, maadaama oo ay yihiin furaha dhismaha nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xuska ah soo Afmeeray, ayaa hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskooda, waxana uu ku tilmaamay naf-hureyaal dhiirran oo qarankooda u huray naftooda, maalkooda, muruqooda iyo maalkoodaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay dhibaatada ay shacabku ku hayaan ciidankii iyaga ilaalintooda u taagnaa, in badan oo shaqo qaran ku jirteyna dano gaar ahaaneed loo laayey, isaga oo soo jeediyey in arrintaasi u baahan tahay wax ka qabasho degdeg ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaynu hambalyeynaynaa ciidanka Booliska, in sannadkaa sannadkiisa ay ku gaadhaan Barwaaqo iyo bashbash, waxana ay inoo tilmaameen dhibaatada ugu weyn ee haysataa inay tahay dilal badan oo ciidanka loo geystay iyaga oo ka shaqaynaya danta qaranka, taas oo u baahan inaynu qaran ahaan ka halgalno sidii aynu u yarayn lahayn dadka qaldan ee dagaal dantooda ah kala hor imanaya ciidanka Booliska, waana arrin culayskeeda leh.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Afhayeenka M JSL

Wareegtooyin Madaxweyne : 01/11/2021Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin...
01/11/2021

Wareegtooyin Madaxweyne : 01/11/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-772/112021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay Yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u Leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hannan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

1. In Cabdiqani Maxamuud Jiidhe laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
*****************************************************
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad h**e ugu haysay Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhammaanba maayarrada kal...
26/10/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhammaanba maayarrada kala duwan ee dhawaan loo doortay 23-ka degmo-doorasho ee dalka.

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa loona dardargelin lahaa wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarrada kala duwan ee degmo-doorashooyinka dalka, islamarkaana ahaa kii ugu horreeyey ee ay madaxweynaha iyo maayarradu wada yeeshaan, ayaa si qoto dheer la isugu xogwaraystay, waxana diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo lagu dhaqaajiyo hawlaha qaranka iyo waajibaaddada saaran maayarrada dalka.

Ugu horrayn wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladaha Hoose, Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo hadalka furay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha maayarrada ah ee degmooyinka dalka, waxana xusay inay meel wanaagsan marayso wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe ee dalku.

Xubno kamid ah maayarrada degmooyinka kala duwan ee dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa si habsami leh uga warramay xaaladda degmooyinka ay madaxda ka yihiin iyo sida ay baahida ugu qabaan in lasii xoojiyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin dawladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay niyadsami ku qabaan in lasii xoojiyo isku duubnidaas iyo wada-shaqayntaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo xubnaha maayarrada ah u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabnaysa, ayaa si waayeelnimo leh u hogo-tusaaleeyey sidii ay wada-jir ugu diyaargaroobi lahaayeen masuuliyadda saaran, natiijo fiicanna ay ka keenaan waxyaabaha ay bulshadu ka filayso ee dhinacyada horumarka adeegyada Aas-aasiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha maayarrada ah kula dardaarmay inay amniga iyo nabadgelyada deegaannada ay muhiimad gaar ah iska saaraan, si ay qorsheyaashooda waaweyn u hirgeliyaan, bulshadana uga helaan gacan iyo taageero buuxda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha maayarrada tusay culayska waajibaadka saaran iyo sida loogu baahan yahay inay is ururiyaan, qawlkooda iyo ficilkooduna noqdaan qaar is waafaqsan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maayarow maalintaad xil qaadday xuquuq badan oo aad lahayd baad weyday, hadalkaagu waa xaddidan yahay, dhaqankaagu waa xaddidan yahay, goobtaad tegaysaa way xaddidan tahay, waxaad qabanaysaana way xaddidan tahay.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in maayarradu haystaan awoodo qeexan oo uu siinayo sharciga dalku, islamarkaana ay dawladda dhexe leedahay door ay ku hubin karto xaalad kasta oo laga sheegto maayarrada, amarka maayar la’aantiina aanay wax fadhi ah yeelan kari,“Tolka aad leedahay waa sharciga iyo xeerka, haddii aanad qaldanayn oo aad wax wanaagsan waddo ninkii aad dooddeen xagga sharcigaad kaga baxsan kartaa, sharciguna waa cadyahay oo golaha deegaanku wuxuu fadhiisan karaa marka uu oggolaado badhasaabku, dawladaha Hoosena waxay curin karaan xeer iyo sharciyo ay leeyihiin, markaa xeerkaagu adiguu kuu gaar yahay, haddii uu kii dawladda dhexe kaa horyimaaddo oo dawladda dhexe kaa hor yimaaddo waad joogsanaysaa, maxaa wasaaradda loo siiyey awooddaas, waxa loo siiyey inay eegto qaladaadka ka yimaadda dawladaha Hoose,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu xubnaha maayarrada ah kula dardaarmay inay noqdaan hoggaamiyayaal la mahadiyo oo taariikhdu berri xusto, islamarkaana ka taga taariikh cuddoon oo halqabsi wanaagsan noqota.

Dhismayaasha Quruxda iyo Bilicdaba u Yeelay Magaalooyinka Somaliland Waxa Hirgaliyay Muwadiniinta Jamuuriyadda Somalilan...
23/10/2021

Dhismayaasha Quruxda iyo Bilicdaba u Yeelay Magaalooyinka Somaliland Waxa Hirgaliyay Muwadiniinta Jamuuriyadda Somaliland.

Telefishanka Qaranka Somaliland

ISHA BURCO HOTEL

Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wasiir Cabdilaahi Abokor oo Ugu Danbeyn Hishiiyey🤝💚🤍❤️
21/10/2021

Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wasiir Cabdilaahi Abokor oo Ugu Danbeyn Hishiiyey🤝💚🤍❤️

09/04/2021

Hapeen wacan✋

Address

Burco

Telephone

+252659407242

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Àpdizamed__Zulaybaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Àpdizamed__Zulaybaan:

Share