09/04/2026
MAAMULKA MARTISOOR HOTEL: FEEJIGNAAN!
Waxaan macaamiisheena iyo shacabka Puntland uga digeynaa fariimo been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in Martisoor Hotel uu shaqaale qoranayo.
Fadlan la soco:
- Martisoor Hotel ma weydiisto lacag dadka uu shaqaaleysiisanayo.
- Lacagta $10 ee la weydiinayo dadka waa SCAM (Khiyaano).
- Wax kasta oo ku saabsan shaqaaleysiinta waxaa lagu baahiyaa boggayaga rasmiga ah oo kaliya.
Ha bixin lacagtaada, hana aaminin fariimahaas been abuurka ah.
Mahadsanidiin,
Maamulka Martisoor Hotel.