19/04/2021
Ha U Noqon Maxbuus
"Ha u noqon maxbuus wixii aad soo dhaaftay, waxa ay ahaayeen casharro adag oo aan lagugu xukumin xabsi daa'in."
Bini aadamku waxa uu ku shaqeeyaa waa hadba dareenkiisu sida uu yahay ama dhanka uu u badan yahay. Haddii qofka murugada iyo werwerku ku badan yihiin, qofkaasi waxa uu galaa jeel maskaxeed ay sababto xaaladaasi, isaga oo ka baxa xaalada caadiga ah ee qofka.
Haddii qofka farxada iyo deggenaantu ku badan tahay, waa marxaladda uu qofku leeyahay firfircooni iyo furfurnaan uu xaalado adag xitaa kaga gudbi karayo, marxaladan marka uu qofku ku jiro waxa uu si qumman uga fekeriyaa ugana falcelinayaa dhacdooyinka iyo xaaladaha maalinlaha ah ee la soo gudboonaanaya.
Labadaas xaaladood waxa u dhaxaysaa, xaalada uu qofku caadiga yahay ama aanu jirin dareen murugo iyo mid farxadeed oo muuqanaya, balse uu qofku dhexdhexaad yahay. Marxaladdan haddii uu qofku ka hoos maro waa ta inta badan sababta isla hadalka iyo werwerka faraha badan ee lasoo darsa nolosha qofka, waxana uu qofku maxbuus u noqdaa dhacdo h**e u soo dhacday oo uu soo dhaafay, balse uu isku mashquuliyo oo maankiisa ka saari waayo.
Marxaladdan marka uu qofku ku jiro waxa ku bata xasuusaha guuldarooyin iyo fashillo h**e oo noloshiisa soo maray, waxa uu ka qoomameeyaa dhacdooyinkii iyo falalkii uu waqtigaas sameeyay, waxa uu aad uga niyad jabaa tallaabooyinkii aan habboonayn ee uu qaaday waqtiyadaas. Sababta ugu weyn ee keenaysa in qofku ku mashquulo kana murugoodo dhacdooyinkii uu soo dhaafay, waa in aanu casharro ka baran wixii dhacay ama in aanu sixin khaladkaas h**e, waana ta marwalba xasuustiisa ku soo celcelinaysa.
Dhacdooyinkaas murugada iyo xanuunka lihi waxa ay qofka ku keenaan in uu illaawi waayo, sixi waayo, waxna ka baran waayo waxa dhacay. Waana sababta in badan oo dhallinyarada ka mid ahi ay murugo joogto ah ula soo daristo, marka wax yari dhacaanba ay toddobaadyo ama bilo ama ka badan sii murugaysnaadaan.
"Wixii tagay, tiigsimaad ma leh." Mar haddii falkii dhacay, waa sida uu u dhacay, laakiin dabadiisa ay'aad hagaajin kartaa. Waana sida quruxda badan in aad ka garowdo, casharna ka barato waxa dhacay. Innagu waxa aynu nahay bulsho muslim ah oo qaddarka Alle aaminsan, ma habboona markaas in wakhti badan kaga lumo, max'ay waxani u dhaceen? Muhiimadu waa in aad xalka ama saxda raadiso. Noloshuna waa wareegto sax iyo khalad isdaba-joogto ah, kuwaasi oo ina baraya casharro iyo tusaalooyin nool-nool.
Ugu dambayn, waxa aan talo ahaan naftayda iyo tiinaba u siin lahaa, marka ay kula soo gudboonaato dhacdo ama fal aad si khaldan uga falcelisay, ha ku mashquulin oo waqtiga ha iskaga ridin ka qoomamaynta ficilkaas tagay, maadaama oo aanu soo noqonayn, laakiin ku mashquul sixidda iyo wax ka barashada guuldarada dhacday.
Aduunyadu wa malmo is bada joga oo wata casharadodaa