Kaalo Aid and Development

Kaalo Aid and Development Kaalo Aid and Development Organization (KAD) is a non profit local NGO operates across Somalia

06/08/2026

๐Ÿ“š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ ๐ข๐Ÿ๐š๐ฒ๐š.

Hay'adda KAALO ayaa xoojisay tayada iyo awoodda waxbarasho ee carruurta dhigata 4 dugsi oo ku kala yaal Garowe, Budunbuto, iyo Qabaal, iyadoo la bixiyay taageero sare loogu qaadayo๐ŸŽ Nafaqada ardayda iyo ๐Ÿ“– awoodda akhriska ๐Ÿ‘“iyo fahamka.

๐Ÿ‘ง๐Ÿ‘ฆ Mashruucan waxaa si toos ah uga faaโ€™iideystay in ka badan 750 arday, isagoo gacan ka geystay horumarinta waxbarashadooda iyo kobcinta fursadahooda mustaqbalka. ๐ŸŒŸ

Hindisahaan waxaa taageeray Dansk Folkehjรฆlp, waxaana fulisay hay'adda Kaalo Aid and Development

.

๐ŸŽ“๐Ÿ”Œ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐›๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.Hay'adda KAALO ayaa si guul leh u s...
04/08/2026

๐ŸŽ“๐Ÿ”Œ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐›๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.

Hay'adda KAALO ayaa si guul leh u soo agaasintay munaasabadda xafladda qalin-jabisay 60 maxbuus oo dhammaystay tababarka xirfadaha farsamada korontada iyo kharkhaanka, kaas oo socday 3 bilood kana dhacay xabsiga wayn ee MPCC, Mogadishu.

๐Ÿค Barnaamijkan waxaa fulisay KAALO oo kaashanaysa Wasaaradda Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Taliska Asluubta, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dib-u-habaynta, dib-u-dhexgalka bulshada, iyo fursadaha nololeed ee maxaabiista.

๐Ÿ‘ฅ Xafladda waxaa ka soo qeyb galay wasiiru dowlaha Wasaarada cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka, Taliyaha guud ee Asluubta, xeer ilaalinta, agaasimayaal, iyo wakiillo ka socda UN, ururrada bulshada rayidka ah, qurba joogta.

Sidoo kale waxaa la daahfurey wajiga 2aad ee tababarka farsamada gacanta. Tababarkani wuxuu maxaabiista ku qalabeeyaa xirfado wax-ku-ool ah si ay u helaan nolol waarta uguna soo laabtaan bulshada si guul leh marka ay xoriyadooda dib u helaan.

๐Ÿ… Qalin-jabiyeyaashu waxay heleen shahaadooyin, abaalmarino, qalab koronto iyo Kharlhaarno si ay uga faaโ€™iidaystaan xirfadahooda cusub.

Intii ay socotay munaasabaddu, masuuliyiintu waxay ku ammaaneen KAALO dadaalkeeda ku aaddan horumarinta nolosha maxaabiista iyo xoojinta dib-u-habaynta nidaamka asluubta Soomaaliya.

๐Ÿ“Œ Hindisahan waxaa lagu fuliyey taageerada Midowga Yurub "European Union in Somalia" โš–๏ธโœจ

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Kaalo Aid and Development

๐ŸŒฑ๐Ÿšœ ๐ƒ๐ก๐š๐ซ๐จ๐จ๐ซ, ๐Ÿ๐Ÿ‘ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”Hayโ€™adda KAALO, iyadoo kaashanaysa Diakonia iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, ayaa s...
24/07/2026

๐ŸŒฑ๐Ÿšœ ๐ƒ๐ก๐š๐ซ๐จ๐จ๐ซ, ๐Ÿ๐Ÿ‘ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Hayโ€™adda KAALO, iyadoo kaashanaysa Diakonia iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, ayaa si rasmi ah ugu wareejisay cagaf beereed beeraleyda deegaanka Dharoor.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wax-soo-saarka beeraha, korna loogu qaadayo isku-filnaanshaha cuntada, iyo taageeridda hab-nololeedka bulshada ku tiirsan beeraha. ๐ŸŒพ๐Ÿ’š

KAALO iyo bah-wadaaggeeda waxay sii wadi doonaan hirgelinta mashaariic horumarineed oo kor u qaadaya wax-soo-saarka beeraha, adkaysiga bulshada, iyo horumarka nololeed ee beeraleyda.

Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

 : Maanta oo taariikhdu tahay 23 July 2026, waxaa xafiiska dhexe ee Hayโ€™adda KAALO booqasho ku yimid wasiirki h**e Arrim...
23/07/2026

: Maanta oo taariikhdu tahay 23 July 2026, waxaa xafiiska dhexe ee Hayโ€™adda KAALO booqasho ku yimid wasiirki h**e Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee J.F Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan ururka bariga Afrika Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Intii uu socday kulanka, madaxda Hayโ€™adda KAALO waxay Wasiirka warbixin faahfaahsan ka siiyeen barnaamijyada iyo hawlaha samafal ee ay hayโ€™addu ka fuliso guud ahaan dalka Soomaaliya. Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray doorka ay KAALO ka qaadato horumarinta bulshada, gargaarka baniโ€™aadannimo, kobcinta nolol-maalmeedka bulshada, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgeliso gobollada kala duwan ee dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday bogaadin ku aaddan dadaallada ay Hayโ€™addu ka gaysatay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo horumarka dalka.

 : Hayโ€™adda KAALO ayaa s rasmi ah u daah-furtay mashruuca AARAN (Advancing Adaptation through Resilient Mobility and Nat...
22/07/2026

: Hayโ€™adda KAALO ayaa s rasmi ah u daah-furtay mashruuca AARAN (Advancing Adaptation through Resilient Mobility and Natural Capital) ee Puntland, kaas oo lagu xoojinayo la qabsiga isbeddelka cimilada iyo adkeysiga bulshooyinka.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay wasiiro ka socday wasaaradaha Qorsheynta, Deegaanka, Xanaanada xoolaha, Beeraha iyo qaar ka mid ah hayโ€™adaha dawladda Puntland, iyo sidoo kale maamulada degmooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, iyagoo muujiyey sida ay uga goโ€™an tahay wada-shaqeyn lagu dhisayo bulshooyin adkaysi leh.

Mashruuca AARAN (2026โ€“2029) ayaa laga hirgelin doonaa degmooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, isagoo taageeraya nolol-maalmeedyo la jaanqaadaya cimilada, maareynta khayraadka dabiiciga ah, iyo xalal waara oo yareeya baahiyaha baniโ€™aadannimo iyo sare u qaadista awoodda nololeed ee Barakacayaasha.

Mashruuca waxaa maalgelinaya dawladda ingiriiska (FCDO) waxaana fulinaya BRCiS/KAALO.

BRCiS Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Ministry of Interior - Puntland Puntland Ministry of Environment and Climate Change Puntland Water Development Agency Kaalo Aid and Development Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation

๐ŸŒฑ KAALO, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, ayaa soo gebogebeysay tababar socday muddo shan ma...
19/07/2026

๐ŸŒฑ KAALO, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, ayaa soo gebogebeysay tababar socday muddo shan maalmood ah oo loo qabtay ๐Ÿ‘จโ€๐ŸŒพ๐Ÿ‘ฉโ€๐ŸŒพ 10 wakiil oo ka socday iskaashatooyinka beeraleyda ee ๐Ÿ“ Degmooyinka Garoowe iyo Iskushuban.

๐ŸŽฏ Tababarkani wuxuu ujeedkiisu ahaa xoojinta aqoonta iyo xirfadaha wax-ku-oolka ah ee xubnaha iskaashatooyinka beeraleyda si loo horumariyo ๐ŸŒพ wax-soo-saarka beeraha, maareynta waraabka ๐Ÿ’ง, iyo sidoo kale adkeynta xiriirka iskaashi๐Ÿค ee u dhexeeya bulshooyinka beeraleyda ah iyo hayโ€™adaha taageera horumarinta beeraha.

๐Ÿ“ˆ Dhisidda awoodda ururrada beeraleyda waa tiir muhiim ah oo lagu kordhinayo ๐ŸŒฑ wax-soo-saarka beeraha, lagu horumarinayo sugnaanta cuntada, isla markaana lagu dhiirrigelinayo horumar waara oo miyiga ah.

๐Ÿค Hormarinta iyo maalgelinta iskaashatooyin beeraha, waxay h**ey u dhaqaajinaysa mustaqbalka waxsoosaar๐ŸŒพCunto oo sugan.

Mashruucan waxaa maalgaliyey Diakonia, waxaana fuliyey Kaalo Aid and Development

Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

๐Ÿ“ข Mashruuca FGM-CEFM ee hayโ€™adda KAALO ayaa si guul leh ugu soo gabagabeeyay tababarro ku saabsan Ganacsiga, xirfadaha g...
14/07/2026

๐Ÿ“ข Mashruuca FGM-CEFM ee hayโ€™adda KAALO ayaa si guul leh ugu soo gabagabeeyay tababarro ku saabsan Ganacsiga, xirfadaha ganacsi, iyo maamulka ganacsiga oo loo qabtay saddex kooxaha hagbadaha haween-ka ah โ€œVSLA women Groupsโ€ ah oo ku kala sugan Dhiganle, Eyl, iyo Dangorayo.

๐Ÿ‘ฉ๐Ÿฝโ€๐Ÿ’ผ Tababarku wuxuu 45 haween ah ku qalabeeyay xirfado wax ku ool ah oo ku saabsan ganacsiga, maamulka ganacsiga, iyo maaraynta dhaqaalaha si ay u bilaabaan una maareeyaan ganacsiyo waara, taas oo xoojinaysa awooddooda dhaqaale ๐Ÿ’ฐ.

๐Ÿ“ Intii uu socday tababarku, KAALO waxay ka codsatay kooxaha VSLA inay soo gudbiyaan qorshayaashooda ganacsi, dib-u-eegista ka dibna ๐Ÿ’ฐ waxaa lagu taageeri doonaa deeqo dhaqaale. Sidoo kale intay shaadu socoto KAALO ๐Ÿค waxay la garab taagnaanaysa hagid iyo kormeer joogto ah.

๐Ÿค mashruucan waxaa maalgaliyay Dowladda Norway ๐Ÿ‡ณ๐Ÿ‡ด waxaana fulinaya NCA, iyo KAALO.

NCA Somalia Ministry of Women Development & Family Affairs Kaalo Aid and Development

09/07/2026

๐ŸŒŸ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐Ÿ๐š๐ช๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ค๐š, ๐ข๐ฒ๐š๐๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š.

๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿ‘งโ€๐Ÿ‘ฆHay'adda KAALO oo taageero ka helaysa Dansk Folkehjรฆlp waxay xoojisay sare u qaadista caafimaadka iyo nafaqada hooyada iyo dhallaanka nugul kuwaan oo kusugan Kaamamka barakacayaasha iyo kuwa abaaruhu saameeyeen, iyada oo loo marayo wacyigelin bulsho oo ku saabsan Quudinta Dhallaanka iyo Carruurta Yaryar (IYCF).

๐Ÿคฑ๐ŸŒฑ Hindisahan ayaa kor u qaaday wacyiga hooyooyinka ee ku saabsan nuujinta muddada lixda bilood ee ugu horreeya iyo hababka ugu wanaagsan ee quudinta dhallaanka, taas oo dhiirrigelisay isbeddel wanaagsan oo dhinaca hab dhaqanka ah, isla markaana gacan ka geysatay hormarinta caafimaadka iyo nafaqada hooyooyinka iyo dhallaanka ee bulshada uu mashruucu taageerayey.

 : KAALO and the โ€œInternational Rescue Committeeโ€ successfully concluded a three-day joint experience-sharing workshop i...
08/07/2026

: KAALO and the โ€œInternational Rescue Committeeโ€ successfully concluded a three-day joint experience-sharing workshop in ๐Ÿ“Garowe, bringing together senior humanitarian staff from both organizations.

๐Ÿ“… The workshop aimed to strengthen collaboration and promote knowledge exchange to enhance humanitarian programming across Somalia.

๐Ÿ’ฌ Participants shared experiences, best practices, and practical approaches from their humanitarian work, reflecting on lessons learned and identifying opportunities to improve the quality, efficiency, and impact of their interventions.

๐ŸŒ The discussions focused on strengthening coordination in the humanitarian projects jointly implemented by KAALO and IRC. The workshop reaffirmed both organizationsโ€™ commitment to continuous learning, stronger partnerships, and delivering effective humanitarian assistance to vulnerable communities across Somalia.

๐ŸŽ“๐Ÿ”Œ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐›๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ.Hay'adda KAALO ayaa si guul leh u so...
07/07/2026

๐ŸŽ“๐Ÿ”Œ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐›๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐›๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ.

Hay'adda KAALO ayaa si guul leh u soo agaasintay munaasabadda xafladda qalin-jabisay 30 maxbuus oo dhammaystay tababarka xirfadaha farsamada korontada, kaas oo socday 3 bilood kana dhacay Baydhabo.

๐Ÿค Barnaamijkan waxaa fulisay KAALO oo kaashanaysa Wasaaradda Caddaaladda ee Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dib-u-habaynta, dib-u-dhexgalka bulshada, iyo fursadaha nololeed ee maxaabiista.

๐Ÿ‘ฅ Xafladda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo dowladeed, wakiillo ka socda waaxda caddaaladda iyo ururrada bulshada rayidka ah, oo ugu h**eeyo Sarreeye Guud Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo Wasiirka Caddaaladda ee Koonfur Galbeed Cabdulkadir Yuusuf Cabdi Nuur.

๐Ÿ’ก Tababarkani wuxuu maxaabiista ku qalabeeyaa xirfado wax-ku-ool ah si ay u helaan nolol waarta uguna soo laabtaan bulshada si guul leh marka ay xoriyadooda dib u helaan.

๐Ÿ… Qalin-jabiyeyaashu waxay heleen shahaadooyin, abaalmarino, iyo qalab koronto si ay uga faaโ€™iidaystaan xirfadahooda cusub.

๐Ÿ‘ Intii ay socotay munaasabaddu, masuuliyiintu waxay ku ammaaneen KAALO dadaalkeeda ku aaddan horumarinta nolosha maxaabiista iyo xoojinta dib-u-habaynta nidaamka asluubta Soomaaliya ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด.

๐Ÿ“Œ Hindisahan waxaa lagu fuliyey mashruuca ay taageerto Midowga Yurub โ€œ Union in Somaliaโ€ โš–๏ธโœจ

Address

Garowe
252

Telephone

0907794076

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaalo Aid and Development posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kaalo Aid and Development:

Shortcuts

Share