24/08/2020
Nick Vujicic waa dhiirro-galiye Australian ah. Waalidkii ayaa kasoo haajiray Yoguslavia oo soo dagay Auatralia. Waxa uu ku dhashay cudurka Tetra-amelia seyndrome oo sababa in ilmuhu uu dhasho lugo iyo gacmo la'aan. .
Sida ku qoran buuggiisa nolosha, markii uu dhashay kalkaalisadu waa ay soo qaadday si ay hooyadii ugu dhiibto oo ay u aragto oo laabta u galiso. Balse hooyadii waa ay diiday marka ay argtay muuqaalkiisa, waa ayna ka argagaxday. Ugu dambayntiina waalidkiis wax ay ku qanceen abuurka wiilkooda maadama uu qorshaha Eebbe ku dhashay.
Nick isma oran curyaan liita ayaad tahay, se waxbarashadiisa ayuu watay waxa uuna ka qalin jabiyay jaamacadda. Waxa uu dadka ku dhiirro-galiyaa inay waxbartaan oo ay waxqabsadaan. Cago yar yar ayuu leeyahay, oo uu ku socdo, waxna ku qoro.
Waxa uu 2002-dii u guuray Maraykanka. Halkaas oo ay lix sano kadib xaaskiisa ay isku barteen. Waxa ay haystaan maanta afar caruur ah. Waxa uu haystaa dhalashada Maraykanka iyo tan Australia.
Xilligii uu yaraa waxa uu mar ku sigtay inuu is dilo maadaama uu dadka ka duwanaa. Se maanta fikirkaas waa mid ka suulay, waa mid dunida caan ka ah, noloshiisana hagaajiyay. Milaayiin qof ayaa muuqaalladiisa daawada. Dadka waxa uu ku dhiirro galiyaa inay la halgamidda nolosha aysan joojin.
Waxa uu yiri "laga yaaba inaad leedahay lugo iyo gacmo, balse sedsexdan shay waa inaad ogtahay; kumaad tahay? Waa maxayse qiimahaagu? Waa maxay ujeedkaaga noloshu? Iyo halkeed ku damabyn doonta marka aad halkan ka dhamaato? Hadii aadan ogayn jawaabaha saddexdaas suaalood, xaqiiqdii adiga ayaa iga curyaansan aniga!.
Majirto cudur daar aad sheeganayso oo kaa hor istaagay waxbarashada iyo dhisidda nolishaada adiga oo gacmo iyo lugo haysta illaa hadduu jiro waa maankaaga oo aan fahanka noloshu wada gaarin. Nick ma helin fursadda dhamaystirnaan ee aad adigu haysato!