25/05/2024
Golaha gurmad, waa gole koriye oo kobciya sooyaalka iyo suugaanta soomaalida.
Golaha gurmad, waa gole kaba oo kal kaaliye afka soomaaliga iyo kasmada la xidhiidha.
Golaha gurmad, waa gole kaaba oo kacaamiye boqollaal dhallinyaro ah oo afka soomaaliga iyo tixda ka barta dugsiyada kale duwan ee ay ka hawl galaan xubnaha golaha gurmad.
Golaha gurmad, waa golaha kaliya ee xubnihiisu ay ka hawl galaan qaybaha waxbarashada ee kale duwan iyaga oo bixiya casharo ay ugu kaalin galsan tahay (tixda iyo tiraabtu). Bareyaasha golahan ka tirsanna waxa ay gaadhaan
Dugsiyo sare
Jaamacado iyo
Dugsiyo hoose.
Oo ay waagii dillaacaba ubaxa ku baraan (afka hooyo).
Golaha gurmad muddo gaaban waxa uu ku noqday dayax iftiimiyey degmo u baahnayd ilays.
Golahani guyaal kooban waxa uu ku gaadhay gobolo badan, waxa uuna magaciisu ku baahay ciidda soomaalidu ka dab shidato inteeda badan, waxa uuna taagan yahay heer ay waayeelo iyo wax garad badan ku soo hirtaan.
Golaha gurmad waa gole muujiyey awoodo iyo waxqabadyo ay dawladu ka gaabisay, waxa uuna buuxiyey dhacan u baahnayd buuxin iyo baanasho.
Gurmad waa dhalinyaro isu qalbi furan, isu laab furan, isu calool furan, oo uu hage u yahay damiirka xorta ah ee dadnimada toosan.
Golaha gurmada waxa ku midaysan halkaraano, karti, kasbasho, ka go'naan iyo kacaannimadu ka dhab tahay.
Gurmad waxa uu u taagan yahay
Golaha, Ururinta, raadraaca, maansada, afka iyo daryeelkiisa.
Waanna golaha kaliya ee maanta magac iyo muuqaal ahaanba u shaqeeya.
Waana golaha keliya ee ay taageereyaasha u yihiin abwaano waaweyn iyo dhaqan yaqaano aan xisaab lahayn oo ciidda soomaaliyeed caanka ka ah.
Gurmad waa gurmad waxa ayna u gurmanayaan
Dhaqanka
Dhaxalka
dhigaalka
Dhawrista
Dhisidda iyo
Dhaabista afka iyo soo saarista buuggaag la mahadiyo oo aan ahayn kuwo la soo min guuriyey.
Qore: xassan barre ducaale
Xubin: golaha gurmad