23/12/2018
XIKMADO JACEYL OO QIIMO BADAN.
1 _ Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee laheysto, waxa ugu adag la kasbado iyo waxa ugu xanuunka badan ee la waayo.
2 _ Xushmad La'aan, jaceylku waa lumaa. Daryeel la'aan, jaceylku waa caajis. Daacad la' aan, jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la'aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.
3 _ Goortii aad tiraahdo waan ku jecel ahay, waxaad Ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro kaliya, Jaceylku waa ficil. Jaceylku ma aha dareen kaliya, Jaceylku waa daryeel.
4 _ Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaaga inaad dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kuugu dhiirigelayaa xumaan iyo inaad dambi sameyso.
5 _ Dad badan oo aragtida wajiga kaliya wax ku jeclaada Gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah jaceylku marnaba k**a dhasho quruxda wajiga balse quruxda Qalbiga
6 _ Intaadan qofka jeclaan marka h**e fiiri inuu naftiisa jecel yahay, hadii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo.
7 _ Goortii qof uu ku jecel yahay , ma aha had iyo jeer inay afka ka sheegaan. waxaad mar kasra ka garan kartaa habka ay kuula dhaqmaan.
8 _ 👉 Hadii qof aad is jecleedeen kaa tago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin, fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tagin.
9_ Ha u bedelin midibkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa ku jeclaanayaa.
10_ Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. hadii ay jirto Boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan hal sabab ay ku wada joogi karaaan
HADII AAD KA HESHAY FADLAN LA WADAAG ASXAABTAADA
👉Like 👉Share