19/10/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Oktoobar 2026, SHEEKH MOHAMED IBRAHIM KENYAWI ayaa qaar ka mid ah howlwadeennada Jowhara International Hotel u jeediyey muxaadaro ku saabsan 𝗔𝗻𝘀𝗵𝗮𝘅 𝗪𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗵𝗼𝘄𝗿𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗔𝗺𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮.
Sheekha ayaa carabka ku adkeeyey in shaqadu tahay cibaado marka loo guto si daacadnimo, niyad wanaagsan iyo masuuliyad leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay dhowrista amaanada iyo gudashada waajibaadka shaqada.
Jowhara International Hotel waxay qiimeysaa anshaxa wanaagsan, daacadnimada iyo masuuliyadda shaqaalaha.